Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Go’aankii Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyeen heshiiskii dhawaan laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021. Qoraal uu soo saaray Taabid Cabdi ayuu ku boggaadiyay tallaabadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku ansixiyeen heshiiskaas,

Go’aankaas ayuu ku tilmaamay mid lagu badbaadinayo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya. Duqii hore ee Muqdisho ayaa ku baaqay in wixii hadda ka dambeeya la wadaago tallaabooyinka muhiimka ah ee saameynaya dhammaan dhinacyada siyaasadda, si gaar ah ayuu u tilmaamay arrinta ammaanka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan qabsoomida doorashada

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed.

Waxaan boggaadineynaa tallaabadii ay maanta labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku ansxiyeen heshiiskii doorashada. Wuxuu ahaa go’aan huriweyto ah oo lagu badbaadinayo geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya.

Inkastoo aan ka xunnahay in la gaari waayay in awoodda si buuxda loogu celiyo dadweynaha, haddana waa muhiim in tirada kooban ee soo dooraneysa xildhibaannada noqdaan kuwo xilkas ah oo mas’uuliyad weyn iska saara dadka ay soo xulayaan, si loo helo Baarlamaan miisaan leh oo dalka u doorta hoggaan ballan iyo axdi leh.

Waxaa la galay xilli doorasho, sidaa darteed waxaan ku baaqeynaa in wixii hadda ka dambeeya la wadaago tallaabooyinka muhiimka ah ee saameynaya dhammaan dhinacyada siyaasadda, si gaar ah, waxaa muhiim ah in diirada la saaro arrinta ammaanka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan qabsoomida doorashada. “Gacanta maamuleysa amniga doorashada, waa iney noqotaa mid la hubiyay oo dhinacyada oo dhan ay ku kalsoonaan karaan (Fair Election Security

Leave a Reply