Raysilwasaare Somalia Xamza Cabdi bare oo ka qaybgalay xilwareejinta sadax munaasabadood oo wasiiradii hore iyo kuwa cusub ah

13″ Aug”2022 ” Muqdisho

Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Oo La Wareegay xilka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Waxbarashadda  Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Mudane Xamse “Waxaan ugu  mahadcelinayaa Wasiirkii hore ee xilka wareejiyey, isagoo tilmaamay in wasaaraddani ay tahay mid leh ahmiyad weyn, shaqo culusna laga sugayo in wasiirka cusub uu ka qabto horumarinta waxbarashadda dalka”. Ayuu yiri Mudane Xamse.

Wasiirka Cusub Ee Qorsheynta Oo Xilka La Wareegay Wasiirkii Hore

Munaasabad kooban oo dhacday xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah, ayaa xilalka kula kala wareegeen Wasiirka cusub Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (Beene-Beene) iyo Wasiirkii hore Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Ayadoo halkaa lagu soo bandhigtay Waxyaabahii u qabsoomay Wasaaradda Qorshayta intow joogay Wasiirkii hore Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo teemkiisa shaqada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta, “Wasaaraddaan way kow ka tahay Wasaaradaha Mudnaanta leh  dalka, isagoo sheegay in Wasiirka cusub looga fadhiyo shaqo culus oo muuqata. Waxuuna ammaanay Isbeddelka muuqda ee Wasaaradda uu ka sameeyey Wasiirkii hore ee xilka wareejiyey”. Ayuu yiri Ra’iisul Xamse.

壯陽藥 504_3964814491176435347_n-1.jpg”>

Wasiirka Cusub Ee Dhallinyaradda Oo Maanta La Wareegay Xilka

Wasiirka cusub ee Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud,ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, ka dib munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda oo goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, “waxaan kaaga mahadcelinayaa Mudane Xamse Siciid Xamse, shaqadii aad dalkaan u soo qabtay, Waxaan kale oo aan  u rajeeynayaa Wasiirka cusub in Eebe u fududeeyo shaqooyinka Qaranka ee horyaala”.

Leave a Reply