Markii ugu horreeysay muddo 8 sano ah gaadiid muqdisho ka baxay oo gaaray gobolada dhexe-

22″ September “2022” Radio Muqdisho

Gaadiidkan oo ah kuwa culus ee ciidamada xoogga 壯陽藥 dalka ayaa loogu talo galay ciidamada qeybta 21-aad oo aan horay u heli jirin gaadiidka culus iyo kuwa gaashaaman ee ciidanka marka laga reebo Gaadiidka Cabdi Bile-yaasha oo diyaarado looga dajin jiray maadaama ay Shabaab haysteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada dhexe.

Gaadiidkan iyo ciidanka Soomaaliyeed ee galbinaya ayaa wax ka yar 7-maalin u tagay Guriceel waxa ayna durba u gudbeen deegaanada Beriga Galguduud si ay uga qeyb qaataan baacsiga Al-shabaab.

Sanadkii 2014-kii ayaa u dambeysay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay tagaan gobolada dhexe ee dalka taasi oo muujineysa sida Al-shabaab u looga saaray deegaanadii ay kaga dhuumaaleysan jireen wadada dheer ee Muqdisho iyo Galmudug.

arintan ayaa timid markii laga sifeeyay kooxda shabaab oo caqabad ku ahayd isusocodka gaadiidka mara wadada isku xirta muqdisho iyo gobolada dhexe ee somalia

Leave a Reply