820 ayaa ku dhintay 672 kalena waxaa soo gaaray dhaawacayo Dhulgariir ka dhacay dalka ay sheegtay Morocco

9- September-2023

Dhul-gariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay dalka Marooko, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dh壯陽藥 ulka ee Maraykanka (USGS). Ugu yaraan 820 ayaa ku dhintay 672 kalena waxaa soo gaaray dhaawacayo sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Morocco. Warbixin Dheeho.com

Dhulgariirka ayaa dhacay wax yar ka dib 11pm wakhtiga maxaliga ah (22:00 GMT). Xudunta dhul gariirku waxay ahayd 18.5km (11.5 mayl) waxayna ka dhacday meel 72km (44 mayl) waqooyi bari kaga beegan Marrakesh, sida ay sheegtay USGS. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu soo waramayo in uu ahaa dhul gariirka ayaa muujinayay gariir iyo dad ku yaacay wadooyinka iyo dhismayaasha oo gariiraya.

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Morocco, waxaana ku dhintay ugu yaraan 820 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Meesha xudunta u ah ayaa ku taalla buuraha Atlas ee sare, oo 71km (44 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Marrakesh, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka.