27″ February “2023
Puntland oo Beenisay Eedeyn kaga timid Somaliland
Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay eedeyn Culus oo kaga timid Somaliland,taasi oo ku aaddaneyd inay ku lugleedahay dagaalka magaalada laas caanood.
Warsaxaafedeed lasoo baxay Punltalnd ayaa lagu sheegya in Mowqifkeedi hore aan waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na aysan ka duwanayn eedihii hore, waxaana intaa ay ku dartay in Somaliland ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.
Waxaan cadaynaynaa in aan Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Puntland.
Waxaa Puntland ay intaa ku dartay in Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimadooda dhaqanku iyaga oo xor ah, nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitaankooda iyo masiirkooda rabulsho.
Waxaana markale Somaliland ay ugu baaqay in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Degaanada Gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.
Xukuumadda Somaliland oo mar kale War kasoo saartay dagaalka Laascaano
Iyadoo saaka Magaalada Laascaanood uu mar kale dib kaga qarxay Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saartay Xukuumadda Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay u taagan tahay nabadda, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo, waxaana mar kale ay ku celisay in Puntland ay ku lugleedahay dagaalka ka socda Laascaano.
Waxaa ay sheegtay Somaliland in Ciidamada Maamulka Puntland oo ay is-garabsanayaan Kooxaha Xoogagga SSC ay saaka weerar ku qaadeen fariisamada Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool.
Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamadeedu ay ka jawaabeen dagaalka ay sheegeen inuu kaga yimid Puntland iyo SSC. Waxaana intaa ay ku dareen in masuuliyada weerarkaaasi ay qaadi doonta Maamulka Puntland.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC oo Saaka mar kale dib uga qarxay Magaalada Laascaanood.
Dagaalka ayaa ah mid xooggan, waxaana dad Goobjogayaal ah ay soo sheegayaan in dagaalka xooggiisu uu ka socdo halka loo yaqaanno Maraaga,waxaana si weyn loo maqlayay jugta dhawaqa hubka ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
Sidoo kale wararku waxaa ay shee犀利士 gayaan in Ciidanka Millateriga Somaliland laguq aaday weerar seddex jiho ah.
Dagaalka ka socda Magaalada ayaa galaya 20 maalmood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, oo soo kalagaaray dhinacyada dagaalamaaya iyo dadka shacabka ah eek u nool magaalada Laascaanood.