24″ March “2023
Ciidamadda dharcadka NISA ka tirsan ee ka howlgala degmada Howlwadaag iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab ayaa saaka ku dagaalamay isgoyska bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in saddex kamid ah maleeshiyaadka Shabaab oo qoryo ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay fadhiyeen ciidanka dharcadka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo 30 daqiiqo gaareysa socday, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay in dableydii Shabaab ee weerarka soo qaaday ay iska caabiyeen oo ay ka dileen hal dagaalame, waxaana laga qaatay qorigii uu watay, iyagoo sidoo kale isaga cararay mootadii ay wateen oo haatan ciidamadda dowladda ay gacanta ku hayaan.
Askari ka tirsan ciidanka dharcadka ee NISA ka tirsan ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, waxaana haatan dagan xaalada goobihii lagu dagaalamay oo dhaq dhaqaayada ganacsiga iyo dadweynaha ay caadi kusoo laabteen.
Ciidanka Haramcad Oo Weeraray Saldhig Shabaab Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdish
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo xalay duleedka degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidanka Haramcad ay weerareen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen halka loo yaqaano beerta Cali Mahdi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isu adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad goob joogayaal ah ahaa sheegay inuu jiro khasaare culus oo ka dhashay dagaalka, walow aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah, maadaama,xiliga weerarka dhacay ay eheyd xili habeen ah salaadii cishaha kadib.
<犀利士 !– /wp:paragraph –>War kasoo baxay taliska ciidanka Haramcad ayaa lagu sheegay iney la wareegay saldhigii Shabaab, ayna khasaare xooggan ku gaarsiiyeen dagaalka oo ay dhowr jiho uga qaadeen.
Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Deyniile waxaa Shabaab ugu yaalo saldhigyo ay ka abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo maxkamado ay ugu yeeraan dadka reer Muqdisho si gaar ah ganacsatada ay lacagaha ka doonayaan