20″ April “2023” AFP
Baaqyadan ayaa soo baxay iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in labada ciidan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF) ay ku heshiiyaan xabbad joojin saddex maalmood ah guud ahaan Ciidda Muslimiinta oo bilaabanaysa Jimcaha.
Taliyaha ciidamada Sudan Jeneral Abdel Fattah al-Burhan ayaa telefoono kala duwan ka helay dalalka Maraykanka, Sacuudiga iyo Qatar wasiirada arrimaha dibadda iyo madaxweynaha Turkiga iyo taliyaha sirdoonka Masar, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale baaq u diray dhinacyada isku haya Sudan inay ilaaliyaan xabad joojinta Ciidul Fidriga ee Muslimiinta si dadka rayidka ah loogu ogolaado inay gaaraan goobo nabdoon, iyadoo ciidamada iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan maalintii lixaad Khamiista.
Dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan baaqyo ka yimid xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, iyo hoggaamiyeyaasha Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, waxay caddeeyeen inay lagama maarmaan tahay in la joojiyo rabshadaha iyo in la bilaabo wadahadal.
Kumanaan qof oo rayid ah ayaa Khamiistii ka qaxay caasimadda Khartoum kadib markii ay ka dhaceen rasaas iyo qaraxyo. Tiro aad u badan ayaa sidoo kale u tallaabay dhanka Chad si ay uga cararaan dagaalka ka socda gobolka galbeedka ee Darfur.
Mareykanka ayaa sheegay in uu ciidamo dheeraad ah u dirayo gobolka haddii ay dhacdo in uu go’aansado in uu ka baxo safaaradda uu ku leeyahay Khartoum.
Dagaalladii ugu ba’naa ee u dhexeeya ciidamada iyo kuwa RSF-ta ayaa ka dhacay agagaarka Khartoum – oo ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Afrika – iyo Darfur, oo ay weli nabar u yihiin colaad dheer oo soo afjartay saddex sano ka hor.
Dadka rayidka ah ee ku xayiran goobaha ay colaaduhu ka jiraan waa in loo oggolaadaa inay baxsadaan oo ay raadsadaan dawooyin, cunto iyo agab kale, ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo la hadlayay warfidiyeenka, iyadoo in ka badan 330 qof ay ilaa hadda ku dhinteen rabshadaha ka socda Suudaan.
kaas oo dabayaaqadii todobaadkii hore dhex maray laba hogaamiye oo hore isbahaysi u ahaa militariga talada haya ee Sudan
ka dib markii ay si toos ah ula kulmeen madaxda Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururrada kale, “waxaa jiray is-afgarad xooggan oo ku saabsan cambaareynta dagaallada ka socda Suudaan iyo ku baaqaya joojinta colaadda oo ah mudnaanta degdegga ah.”
Taliyaha ciidamada Sudan General al-Burhan ayaa u sheegay Aljazeera in uu taageeri doono heshiis hadii ay ogolaato in muwaadiniinta ay si xor ah u dhaq-dhaqaaqaan – arin uu sheegay in RSF ay ilaa hadda ka hortagtay.