Muqdisho Wasiirka arrimaha dibadda Burundi oo Muqdisho wadahadal kula leh dhigiisa Somalia

24″ April “2023” Muqdisho

Magaala壯陽藥 da Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ku sugan wafdi ballaaran oo uu hogggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Burundi, Mudane Albert Shingiro, kaas oo Axaddii lagu soo dhoweeyay garoonka Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada, kaas oo u yimid kormeerka ciidankooda.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wadahadallo gaar ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS.

Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale dhiggiisa dalka Burundi uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin howlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wafdigan ay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ula yeesheen wadahadallo ku aadan xiriirka labada dal.

Sidoo kale waxaa  la sheegay in la wadaagi doonaan dhanbaal ay ka sidaan madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye, si ay u gaasiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Burundi ayaa ka mid ah waddada dhanka milatariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howlgalka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.