Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo dalka dib ugu soo laabtay

29″ April “2023

Ra’iisul wasaare Xamza oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa u壯陽藥 gu maqnaa gudashada Cumrada, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Soo dhaweynta loo sameeyay ra’iisul wasaaraha oo ka duwaneyd kuwii horey loogu sameyn jiray ayaa kusoo aaday, xilli aad loo hadal hayo mooshinka ay ka wadaan xubnaha baarlamaanka, waxaana Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiirada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Al-Shabaab,.

Waxa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsan doonto guulo kale oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday