29″ April “2023
Dadkii laga soo daadgureeyey Sudan oo ka dhoofay garoonka Djibouti oo noqday mid aad u mashquul badan
Wadanka Jabuuti waxaa saameyn weyn ku yeeshay qulqulka dadka ka baxsanaya dagaallada ka qarxay dalka Suudaan, dadkaan oo reer Galbeed u badan ayaa buux dhaafshay garoomada caalamiga ah ee Jabuuti.
Dadka gaaraya Jabuuti waxaa laga soo daadgureynayaa caasimadda Sudan ee Khartoum, si loogu gudbiyo dalalkooda.
Garoonka diyaaradaha ee Djibouti waxaa si joogto ah maalmahaan u fariisanaya oo soo caga dhiganaya diyaarado badan oo howlgallo daad-gureyn ah ka wada Suudaan.
Dadkaan ayaa hadda bilaabay inay u sii amba-baxaan dalalka Midowga Yurub oo intooda badan ay ka soo jeedaan, waxaana laga dhoofinayaa Jabuuti, iyadoo koox walba dalka ay u dhasheen dib loogu celinayo.
“Si wanaagsan oo aad aan u jecleystay ayaa la iigu soo dhaweeyey Jabuuti, waxaana jeclahay inaan dib ugu soo laabto dalkaan, markii laga baxo xaaladaan daad-gureynta ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii maanta laga dhoofiyey garoonka magaalada Jabuuti oo dib ugu laabtay wadankiisii.
Nin kale oo ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka reer Jabuuti ay xusuus gaar ah ku reebeen, kadib markii ay magan-geliyo iyo soo dhaweyn u fidiyeen.
Waa markii ii ugu horeysay oo aan Jabuuti cagaha soo dhigay, markii laga laga baxo xaaladaan samata-bixinta ah ayaan dib ugu soo laabanayaa dadkaan wanaagga badan,” ayuu yiri ninkaan oo maanta diyaarad loo saaray qaaradiisa Yurub.
Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad