1″ May 2023″
Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah dadka soo galootiga ah, waxaana ay sheegtay in ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen 3,000 oo tahriibayaal ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan Geeska Afrika ay soo buux dhaafiyeen dad ka yimid dalalka deriska ah.
Wasiir Nuux ayaa sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya.
Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta kasoo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan.
Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xiray howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuuli ah dib loogu celiyo dalkood壯陽藥 a. Lama shaacin dalka ama dalalka ay kasoo jeedaan dadkaas.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiray waqti 30 maalmood ahaa oo loo qabtay muhaajiriinta sharci-darrada inay u hoggaansamaan.