Kulan su,aallo weydiin ah oo Madaxweynaha Somalia uu ku horyimid dadweynaha ayaa muqdisho ku soo dhamaaday

1″ May “2023” Muqdisho

Kulan su,aallo weydiin ah oo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ku horyimid dadweynaha ayaa muqdisho ku soo dhamaaday

Madaxweyne Xasan oo ka dhaxlay madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed cabdulahi farmaajo dal ku jira duruufo ka sii qalafsan tii uu kaga tagay 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ooy buuxsantay hal sano markii loo doortay mar labaad talada dalka 1-dii May 2022 ayaa weydiimaha dadweynaha ee magaalada Muqdisho Arrimo ay ka mid yihiin waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Somalia oo mudadan sanadkan ah wajahay xal u helista wadan uu ugu yimid iyadoo ay ka sii daryaan Abaar ba,an Amni-daro argagixiso iyo go,adoon siyaasadeed oo caalamka saaxiib kala ah Qatar, Ethiopia Iyo Eritrea

Madaxweyne Xasan oo la weydiiyay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, cafinta deymaha, dhameystirka dastuurka, doorashada 2026, ayaa si faahfaahsan u sharaxay dhamaan su,aalaha a weydiiyay ooy ku jireen ciidamada safka hore ee dagaalka iyo maqaamka iyo amniga caasimadda oo ay ka mid yihiin. Ballanqaadyadii uu sameeyay intii uu xilka hayay. ololihiisa soo laabashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay taageerada ciidan ee uu ka codsaday dalalka deriska ah ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo uu sheegay inay qayb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in talada iyo go’aanada ka soo baxa howlgalkaasi ay leeyihiin taliska ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Waxa uu sheegay in iskaashiga wadamada safka hore uu socon doono muddo 90 maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in aanu weli billaaban wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale difaacay xiriirka dhow ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana uu sheegay inay ka caawisay tababaridda iyo qalabeynta ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu ku xadgudbay awoodda Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu sheegay in sannadka 2023 uu dowladdiisa u noqon doono ‘sannadka waxqabadka iyo wax soo saarka.’

Arrimaha doorashada, ayuu madaxweynuhu sheegay in geeddi socodka dooorashada 2026 ay hadda billaabayaan , isla markaana ay dowladdiisu xoogga saareyso in aan loo noqon doorasho kale oo dadban.

“Waxaa iga go’an in aana dib ugu laaban hoolkii doorashada dadban” ayuu yiri Ma犀利士 daxweyne Xasah Sheekh.

Mar la weydiiyay maqaamka Muqdisho, waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh ‘in wax kasta ay ka horreyso amniga Muqdisho. “Marka amniga la sugo, waxaa la gaari doonaa in dadku ay soo doortaan cidda ay doonayaan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.