Dowlada Soomaaliya ayaa daah-furtay hirgalinta Qorshe Qaran oo lagu Tirakoobayo Dadka iyo Guryaha Somalia

2″ May”2023″ Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu daahfurayay Barnaamijka qaran ee Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed oo ay soo aggaasintay Wasaarada Qorsheynta ee XFS.

Daahfurka Barnaamijkan waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Ahmed Jaamac, wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, wakiilo ka socda beesha caalamka,Duqa Muqdisho iyo marti sharaf kale
Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay ahmiyada ay Dowladnimada iyo Ummada Soomaaliyeed u lee dahay hirgalinta Tirakoobka Dadka iyo Guryaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal ka jeediyay madasha ayaa sheegay in ka gobolka Banaadir ahaan ay wasaarada qorsheynta kala shaqeynayaan sidii uu u hirgali laha qorshahan.

Madaale ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu taageerayo hirgalinta barnaamijkan maadaama uu yahay mid faaida weyn xambaarsan islamarkaana ay lagama maarman tahay dadajinta hirgalinta Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed.