3″ May”2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah aqalka madaxtooyada ee Villa Somaliya kula yeeshay madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo 犀利士 Galmudug oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa.
Macluumaadka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya inuu madaxweynaha kala hadlay Qoor qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarka Garoowe, si ay usoo dhageystaan taabshada madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, si loogu qanciyo inuu goobjoog ka noqdo shirka bartamahan bishan ay madaxda maamulada iyo kuwa dowladda ku yeelanayaan magaalada Dhuusa-Mareeb.
Shirkaas ayaa muhiimad gaara u leh madaxweyne Xasan iney wada xaadiraan dhamaan madaxda maamulada, maadaama diirada lagu saarayo Doorashooyinka 2026-ka nooca ay u dhacayaan.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Ergadan in ay daacad ka noqdaan safarkooda Garoowe, oo aysan laftirkooda fikirkooda hadda isbedelin, taas oo xoojinaysa shakiga ah in madaxda dawlad gobaleedyada ay xiriirsan yihiin, oo ay qabaan qaar kamid ah kooxda Madaxweyne Xassan Sheekh.
Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoos u dhigay khilaafka dowladdiisa kala dhexeeyo maamulka Garoowe, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tabaneyso Puntland, xili uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay kulan dadweyne oo habeen kahor ka dhacay Muqdisho.