5″ May 2023
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Jimcihii magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dhimashada in ka badan 100 qof oo la rumeysan yahay inay gaajo u dhinteen, iyadoo maxkamaddu ay amartay in hoggaamiyaha urur diimeedka uu xabsiga ku sii jiro.
Guddiga baaritaanka oo Jimcihii ku dhawaaqay afhayeenka madaxtooyada Xuseen Maxamed, ayaa eegi doona in habacsanaanta maamulka ama sirdoonka ay gacan ka geysatay dhimashada.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen Kaniisadda Caalamiga ah ee Good News ee uu hoggaamiyo Paul Mackenzie, kaasoo ay sheegeen in la saadaaliyay in dunidu ay dhammaan doonto 15-ka Abriil, wuxuuna faray xertiisa inay is dilaan si ay u noqdaan kuwa ugu horreeya ee jannada gala.
Dhimashada ayaa mareysa 111 balse waxaa laga yaabaa inay intaas ka sii korodho, waana mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada taariikhda dhow.
Maxamed waxa uu sheegay in Ruto uu sidoo kale magacaabay guddi-hawleed si ay dib u eegis ugu sameeyaan xeerarka lagu maamulo ururrada diimeed.
Mackenzie si cad ugamuu hadlin eedaymaha isaga ka dhanka ah sidoo kale loogama baahna inuu galo qiraal dambi kasta. Qareenkiisa George Kariuki ayaa u sheegay saxaafada Talaadadii in macmiilkiisa uu wajihi karo “eedeymo argagixisanimo oo suurtagal ah
Garsooraha ayaa sheegay in uu go’aan ka gaari doono Arbacada soo socota ee ku saabsan codsiga dacwad oogaha wuxuuna amray in Mackenzie uu xabsiga ku sii jiro ilaa iyo markaas.
Mackenzie, oo xirnaa jaakad madow iyo casaan ah, gacantana ku haya gabadhiisa oo labo sano jir ah, intii ay socotay dhageysiga dacwadda, ayaa saxafiyiinta u sheegay maxkamadda in isaga iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa loo diiday in ay cunno ku qaataan xabsiga. Dacwad oogayaasha ayaa arrintaasi diiday, waxaana qareenkiisu uu saxaafadda u sheegay Talaadadii in macmiilkiisa uu wax cunayo.
“Wuxuu wax cunaa oo cabbaa,” Kariuki ayaa tiri. “Waa uu caafimaad qabaa. Aniga shaqsi ahaan ayaan ula kulmay. Waxa la isla dhex marayey in uu diiday in uu wax cuno, taasina run maaha”.
Bishii Maarso, Mackenzie ayaa la xiray horaantii sanadkan iyadoo looga shakisan yahay dilka labo caruur ah oo gaajo iyo neef qabatin ah laakiin markaas ayaa lagu sii daayay damiin.