5″ May “2023
Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamadda dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Shabaab ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Maxamed Xasan oo dhinaca Koonfureed kaga beegaan magaalada Baledweyne qiyaas ahaanna 22 KM u jira magaaladaasi.
Sida wararku sheegayaan, dagaalkan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii xubno Shabaab ah ay weerar culus kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamadan isbaheysanaya ku sugnaayeen, waxaa la soo warinayaa inuu jiro khasaare culus oo labada dhinac kala gaaray.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamaddan ay iska caabiyeen xoogga shabaab, iyadoo wali dadka deegaanka ay kusoo waramayaan in la maqlayo dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac, waxaana mararka qaar la maqlayaa dhawaqa qaraxyo cul culus.
Macluumaadka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Xubnaha Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iney godod waa weyn xalay ka qoteen Waadiga Tabantaab, halkaas oo ah goobta uu dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo.
Majirto wax war ah oo wali labada dhinac ay dagaalkan kasoo saareen, waxaana rasaasta si caadi ah looga maqlayaa deegaanada Baardheere, Beerxaano iyo Maxamed Xasan.