Dowladda Somalia oo Muqdisho Keentay 137 Muwaadin Oo Laga Soo Celiyay Suudaan

7″ May”2023″ Muqdisho”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo badbaaday Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la