Xiisad ka taagan magaalada garoowe ooy Ciidamo Gadoodsan oo la wareegeen Qaybo ka mid ah Magaalada


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

9″ May”2023″ Garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulgoboleedka Putland ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaaladaas kadib marii Ciidamo gadoodsan oo Xiisad ka taagan magaalada garoowe ooy Ciidamo Gadoodsan ay la wareegeen Qaybo ka mid ah Magaalada

Ciidamada oo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin Mushaar la’aan ayaa waxaa ay xirteen sida wararku tilmaamayaan Kontroolka Bari ee Magaalada garoowe.

Gaadiid aad u farabadan oo doonayay inay soo galaan Magaalada ayaa lasoo sheegayaa inay ku xayiran yihin Bannaanka Magaalada, sidoo kale Gaadiidka doonaya inay Magaalada kasoo galaan dhanka bari ayaa igana ay cilinayaan.

Waxaana hakad ku jira isku socodka Guud, iyadoo Gaadiidka ay Ciidanku haystaan ay u badan yihiin kuwa Xamuulka Qaada, ee magaaalaasi iyo Degmooyinka kale isaga kala goosha.

Magaaalda Garoowe iyo Magalooyinka kale e Maamulka Puntland ayaa wxaaa inta badan kusoo noq-noqda Gadoodka ay sameynayaan Ciidamada Mushaar la’aantu ku dhacday.

Wali Saraakiisha iyo masuuliyiinta Maamulkaasi wax war ah kama soo saarin, waxaana Ciidanku ay sheegen in waddooyinka aysan furi dooonin, sidoo kalena gaadiidka aysan fasixi doonin ilaa ay ka helaan xuuuqaadka ka maqan

Xiisada Ayaa Timid ka dib Saacado ka dib Digniinta Reysilwasaaraha

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ee golayaasha degmooyinka Puntland ay doonnayso in ay qabato 25ka bishan May ay tahay mid halis badan oo keenaysa burbur iyo kalatag.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in Odayaashii dhaqanka ee soo xulayay xildhibaanada ay tahay in lagu laabto.

“Doorashada qof iyo codka ah ee Puntland burbur bay keenaysaa, sidii lagu soo caano-maalay ee xulida odayaasha dhaqanka ayaa ah GeediCaano leh waa in sidaas lagu socdaa, oo laysla ogol yahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aysan ogoleyn doorasho aysan isla ogoleyn in ay ka dhacdo Puntland, isagoo horey u soo hogaamiyey doorashadii Jubbaland ee August 2019-kii, taas oo kala qeybisay Jubbaland ilaa maantana khilaafkeedu taagan yahay, xili ay kasoo horjeeday dawladda Faderaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo ka hor, sheegay in Puntland ay 24 maalmood gudahood ku burburayso, haddii aan la joojin doorashooyinka qof iyo codka ah, oo uu sheegay in aan heshiis lagu aheyn.