9″ May”2023″ Baladweyne
Webiga Shabelle oo dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafado ka mid ah magaaladaasi, taas oo ay ka dhalay barakac.
Biyo fara badan ayaa galay xaafadaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn oo ka wada tirsan Beledweyne, iyadoo shacabka ku noolaa xaafadahaasi ay isaga barakacay guryahooda.
Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqato qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi.
Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa sheegay in xalay uu webiga Shabeelle ku fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay.
Guddoomiye Calasoow oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan laga moosay biyaha.
壯陽藥Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabi in ay waxyeello soo gaarto.
Wuxuu sheegay guddoomuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.
Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.