11- May-2023- Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu soo dhaweyay Qaraarka ay meelmariyeen Golaha Wasiirradu ee xaqiijinta hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa
Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.
犀利士 class=”has-medium-font-size”>“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed”.