13″ May”2023
Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Ayay sheegeen iney ku dileen 44 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo dagaalyahano, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen goobta
Howgalkaan ayaa dhacay 12-bishan, ka dib markii Sirdoonka Qaranka ee NISA uu helay xogta kooxdan oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaan iyagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka dowladda.
Qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka go’an tahay in Shabaab lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen kooxdaasi