13″ May”2023
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la Wareegay Ammaanka guud ee magaalada ceerigaabo,kadib Rabshado kooban oo xalay ka dhacay magaalada.
Saaka waxaa degan xaalada nabad gelyo ee magaalada iyadoo ay heegan sare lagaliyay ciidamada kala duwan ee qaran si ay u sugaan amaanka iyo kala dabeynta Ceerigaabo.
Arinkan ay ciidanku qaranku kula wareegeen amniga Magaalada Ceerigaabo ayaa daba socota kadib markii ay magaalada ka dhacday xalay raas muddo socotay taasi oo la sheegay inay dhexmaraysay ragmaleeshiyaad ah iyo ciidamo ka tirsan Somaliland, waxaana halkaasi la sheegay in dhaawac iyo dhimasho hal qof ahi ay ka dhalatay rasaastaasi.