Turkey Sawiradii ugu dambeeyay: Kumanaan kun ayaa safaf dhaadheer u galay inay codkooda dhiibtaan

14″ May”2023

In ka badan 64 milyan oo qof oo turki ah ayaa u dareerary inay codeeyaan si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan muddo shan sano ah, Sawiradii ugu dambeeyay: ayaa muujinaya dadka oo wai safaf dhaadheer ugu jira inay codeeyaan iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu wajahayo loolankii siyaasadeed ee ugu weynaa intii uu xukunka hayay

Goobaha codbixinta ayaa furmay 8 subaxnimo (05:00 GMT) waxayna xidhmi doonaan 5pm (14:00 GMT).

Hay’adaha warbaahinta waxaa laga mamnuucay inay soo sheegaan natiijooyinka qayb ahaan ilaa laga qaadayo xayiraadda 9pm (18:00 GMT),

Haddii musharraxa aanu helin wax ka badan kala badh codadka wareegga koowaad ee codbixinta, waxa la qaban doona wareeg labaad oo ah 28-ka May.

Arrimaha muhiimka ah ee doorashadu waa dhaqaalaha, hawlgallada gargaarka dhulgariir, daadinta maskaxda, qaxootiga, iyo qiyamka iyo aqoonsiga.

Sawiradii ugu dambeeyay: Kumanaan kun ayaa safaf dhaadheer u galay inay codkooda dhiibtaan

Dadku waxay ku sugayeen safaf dhaadheer oo masaska dhex maray magaalooyinka iyadoo kumannaan qof ay ku soo qul qulayaan goobaha codbixinta si ay ugu codeeyaan doorashada dalka.

犀利士