16″ May”2023
Qabanq壯陽藥 aabada doorasho aan laysla ogoleyn oo ka socota dhinaca siciid dani ayaa kor u qaaday xiisad ka tagaan putland oo keenta in la xiro garoonka diyaaradaha garoowe iyadoo Maamulku uu ku eedeeyay iska horimaadkii xalay ka dhacay magaaladaas in uu ka danbeeyo khadar c/raxman faroole oo ah ergeyga Madaxweyne Xasan shiikh u qaabilsam arimaha dhaqaalaha
Duulimaadyadam ayaa la hakiyey kadib is rasaasayn xalay afaafka hore ee garoonka ku dhexmartay Ciidamo dawladda katirsan oo sida la sheegay ilaali u ahaa sanaadiikhda doorashada Golaha deegaanka iyo Ciidamo daacad u ah mucaaradka diidan habka dawladdu u maamulayso nidaamka doorashooyinka Golaha deegaanka oo ay ku eedaynayaan in muddo kororsi ku hoos la maantahay.
Dagaalka xalay xilli dambe dhacay waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan weli dhinacyada dagaalamay aysan war ka soo saarin.
Sidoo kale waxaa la werinayaa in weli is hor fadhiyaan ciidamadii is rasaasayntu dhexmartay taas oo kaliftay in la fasaxo shaqaalihii garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland
Wasiir Juxa ayaa sheegay inay maleeshiyaad hubaysan oo lagu diyaariyey beerta Khadar Faroole ee duleedka Garoowe ay jidka u galeen ciidamada Puntland ee wadey sanaadiiqda doorashada qof iyo cod ee Puntland.
” Ergeyga Xasan Sh Maxamuud ee Arimaha Dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sh Maxamuud sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri; Wasiir Juxa.
Qalalaasaha markii labaad laga ridey Garoowe ayaa si weyn looga dareemay, waxaa maanta la joojiyey shir Qaramada Midobey lahayd oo lagu qaban lahaa AJJ, waxaa la baajiyey duulimaadyadii diyaaradaha ee Garoowe, waxaana xiran garoonka diyaaradaha oo laga cabsadey in malayshiyaadkani qabsadaan, waxaa wararku sheegayaan in maalinta berri ahna aysan jirin wax duulimaad ah.
Madasha siyaasadda Puntland oo ay ku midoobeen siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horey uga digay hadaan la joojin doorashada qof iyo cod ee Puntland inay xiligaan sababi karto dagaal iyo qalaalase siyaasadeed.