Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Waxqabad Xumo Ku Eedeeyay howlgalka midowga africa ATMIS,

¹8″ May” 2023″

犀利士 23/05/IMG_20230518_024542_325.jpg” alt=”” class=”wp-image-92571″/>

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Waxqabad Xumo Ku Eedeeyay howlgalka midowga africa ATMIS, Amaanna U Jeediyay ciidamada qaranka SNA

Waxa uu dhinaca kale si toos ah u dhaleeceeyay ciidamada ATMIS, isagoo ku dhaliilay waxqabad xumo maadaama mudo ka badan 15 sano ay dalkan joogeen aaney isbedel muuqata ka sameyn awooda Shabaab.

Balse taasi bedelkeed wuxuu si aan ganbasho leheyn u tilmaamay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Shabaab dhowr bil gudeheed ay uga saareen dhul balaaran, iyagoo aan la socon ciidanka ATMIS.

“Ciidamadeena waxay muujiyeen adkeysi aan horey loo sameyn. [ATMIS] oo taagniyo, beebeeyaal, madaafiic iyo hilikobtaro haysato way noo qaban waayeen 15-sano inta haatan laga xoreeyay dalka oo waliba nus kamid ah ay haatan noo dhiman tahay. Marka maahmaahdii ahayd ‘Biyo sacabadaada looga dhargaa’ waa dhabta jirta,” ayuu yiri.

Si kastaba, bisha June ee sanadkan waxaa la filayaa iney dalka isaga baxaan 2000 askari oo ATMIS ah, waxaana meelaha ay baneeyaan la wareegi doono ciidamadda Soomaalida, qorshah ayaa ah inta aan la gaarin 2025 ay guud ahaan dalka isaga huleelaan ciidankan dalalka afrikaanta ah ka socda.