18″ May”2023
Daqiiqado Masrax faneed aad u qurux badan ooy ku jiraan qaar ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Africa ayaa loo dejiyay munaasabadda ka hor Finalka Senegal iyo Morocco ee Koobka 17 jirada qaramada Afrika oo ka dhici doona garoonka Nelson Mandela ee magaalada Algeria habeenimada Jimcaha.
30 TV o ku yaal Afrika ayaa so bilaash u soo bandhigi doona Finalka xiisaha badan ee u dhexeeya Senegal iyo Morocco oo sidoo kale,la-hawlgalayaasha CAF ooy ku jiraan beIN Sport, SuperSport, Canal+, StarTimes ayaab si toos ah looga Tabin doonaa
Ilaa hadda, koobka TotalEnergies U17 Africa Cup of Nations Algeria 2023 waxa uu ahaa guul aad u wanaagsan oo soo jiidatay indha indheeyayaal dhawr ah oo ka kala socda kooxaha Afrika hogaaminaya iyo waliba kooxaha Yurub.
CAF iyo Guddiga Qabanqaabada Deegaanka (LOC) ayaa saacadihii la soo dhaafay si adag u shaqaynayay isu diyaarinta finalka.
Tababaraha Senegal Saliou Dia ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay inuu arko kooxdiisu oo gaartay taariikh marka ay finalka koobka qaramada Afrika ee U17 (AFCON) ay ku kulmaan Xulka Morocco Hakka Tababaraha xulka qaranka Morocco Said Chiba ayaa sheegay in uu diyaar u yahay dagaal uu xulkiisu la halo Senegal
Senegal ayaa markii ugu horeysay abid ka soo baxday wareega group-yada, waxayna halkeeda ka sii wadatay orodkooda finalka. Oo hadda, Taranga Cubs waxay rabaan inay qaadaan hal tallaabo oo weyn oo ay u qaadaan qayb kale oo taariikhi ah; ku guulaysta taajka.
Morocco iyo Senegal ayaa labadoodaba heysta difaacyadii ugu fiicnaa tartanka, Senegal ayaa hal mar laga dhaliyay, semi-finalka Burkina Faso halka Morocco labo jeer oo kaliya laga dhaliyay, ciyaartii ugu dambeysay ee heerka group-yada ay la ciyaareen Zambia.
Tababaraha Senegal Saliou Dia ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay inuu arko kooxdiisu oo gaartay taariikh marka ay finalka koobka qaramada Afrika ee U17 (AFCON) ay ku kulmaan Xulka Morocco
“Waxaan ku soo raaxaysanay waqti fiican Algeria, waxaanan uga mahadcelineynaa qof walba iyo dadka Algerian sida ay noo dhigeen mid raaxo leh oo xusuus leh. Hadda, ciyaartoyda iyo Senegal koox ahaan waxay rabaan inay qoraan taariikhda,” Dia ayaa tiri, isagoo ka hadlayay galabnimadii Khamiista shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta.
Tababaraha ayaa rajaynaya kulan adag laakiin madadaalo ah oo ay la ciyaarayaan Morocco, ciyaartaas oo uu sheegay in ay u baahan doonto rabitaan badan iyo ruux dagaal.
Tababaraha xulka qaranka Morocco Said Chiba ayaa sheegay in uu diyaar u yahay dagaal uu xulkiisu la halo Senegal
Labada dhinac ayaa ku kulmay tartan tababar oo afar wadan ah oo ka dhacay Morocco ka hor AFCON, iyadoo kooxda Chiba ay ku badisay 3-2, wuxuuna sheegay in tani ay noqon doonto ciyaar ay iska horyimaadaan cadowgooda.
“Tani waxay noqon doontaa kulan tartan ah. Senegal waa mid ka mid ah xulalka ugu xoogan tartanka. Si fiican ayay noo yaqaaniin anaguna si fiican ayaan u naqaannaa. Waxaan qaadan doonaa fursadahayaga waxaanan bixin doonaa waxa ugu fiican ciyaarta,” Chiba ayaa sidaas yidhi.
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Senegal waxa ay kooxda ku leedahay xirfado badan. Xogta labada kooxood waa la heli karaa sidoo kale waan is naqaanaa sidaas darteed ma jiraan wax sir ah. Ciyaarihii saaxiibtinnimada ayaa fikrad naga siiyay midba midka kale.”
Chiba ayaa she犀利士 egay in ay u baahan doonaan in ay abuuraan isku dheeli tirnaan wanaagsan oo u dhexeeya xeeladahooda weerarka iyo difaaca, iyaga oo si fiican u garanaya awoodda Senegal ee weerarka maadaama ay leeyihiin weeraryahan xooggan.
Waxa uu intaa ku daray in markii horeba la hubsaday yoolkoodii ugu horreeyay ee u soo bixitaanka Koobka Adduunka, hamiga xiga ee ah inay ku guuleystaan horyaalka, uu sidoo kale gaari karo.
Kubad sameeyaha Marouane Rayan Bayad ayaa sheegay in ciyaartoyda ay diirada saarayaan ku guuleysiga horyaalka, iyagoo doonaya inay sameeyaan taariikh iyaga u gaar ah.
“Waxay noqon doontaa kulan adag. Waanu daawanay ciyaarihii Senegal, waana tartan adag, waanan ixtiraamaynaa. Si wanaagsan ayaan isugu diyaarinay, waxaana u gali doonaa ciyaarta si aan horyaalka ugu guuleysano,” ayuu hadalkiisa raaciyay macalinka.
Jürgen Klopp: Tababaraha Liverpool waxa uu helay ganaax laba kulan ah hadalka Paul Tierney
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu ganaaxay labo kulan kadib hadal uu ka yiri garsoore Paul Tierney kadib guushii 4-3 ay ka gaareen Tottenham bishii April.
Waxay la macno tahay in Jarmalku uu seegi doono kulanka axada ee Aston Villa ee Anfield.
Ciyaarta labaad ayaa hakad ku jirta ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24, taasoo la micno ah in Klopp aanu seegi doonin kulanka ugu dambeeya ee ololahan ay ku wajahayaan Southampton.
Waxa uu sidoo kale helay £75,000 oo ganaax ah ka dib markii uu qirtay dhaqan aan habboonayn oo uu sheegay in uu ka qoomameeyay faallooyinka.
Klopp ayaa kaarka jaalaha ah loo taagay markii uu u dabaal degay goolka guusha Liverpool daqiiqadii 94-aad ee ciyaarta isagoo hor istaagay garsooraha afaraad wuxuuna markii dambe ku andacooday in Tierney uu ku yiri “ma fiicna”.
Maamulka garsoorayaasha, Professional Game Match Officials Limited, ayaa sheegay waqtigaas inay “si adag u beeninayaan” eedeymaha Tierney ficilkiisu waxay ahaayeen “mid aan sax ahayn”.
Liverpool ayaa u dirtay warqad ay kaga jawaabayso eedeymaha saddex maalmood ka dib ciyaarta, taasoo soo jeedinaysa in shucuurtu ay sare u kacday intii lagu jiray kulan xamaasad leh iyo in Klopp uusan ku talo jirin “inuu su’aal ka keeno daacadnimada Tierney”, garsooraha ayaa ku lug lahaa dhowr “go’aano su’aal leh” ku lug leh naadiga.
Klopp ayaa sidoo kale qoray warqad raaligelin ah, isagoo sheegay in ereyada uu adeegsaday wareysigii ciyaarta ka dib ay ahaayeen “mid aan habooneyn” oo “dareen ku saleysan”.
Klopp ayaa sidoo kale qoray warqad raaligelin ah, isagoo sheegay in ereyada uu adeegsaday wareysigii ciyaarta ka dib ay ahaayeen “mid aan habooneyn” oo “dareen ku saleysan”.
FA-ga ayaa sidoo kale soo saaray qoraalkii uu Tierney ku yidhi Klopp markii uu jaale qaatay taas oo uu tababaraha Liverpool u arkay in ay tahay wax aan la aqbali karin.