5 bilood ka dib Iska hor-imaadka Laascaanood Sawir Aan aheyn kii uu ku biloowday

19″ May”2023 ” Dheeho

Colaada Laascaanood waxay kicisay xiisada Loolan u dhaxeeya Somaliland Iyo Putland

Somaliland waxay putland ka qabsatay Laascaanood 2007 dii waxayna u baahantahay waa dhulka ee ma aha dadka si ay u sii nooleeyso sheegashada gooni isutaaga,Halka putland oo xiriir dhalasho kala dhaxeeyo dadka sool ay dooneeyso inay si xirfadeeysan uga soo ceshato 15 sano ka dib gacan ku heynta gobolka Sool

Hal magaalo oo gobolka sool ah kuma jiro gacanta Putaland Iyadoo reer Sool ay hadana reer madaxweyne ku xigeen ku leeyihiin maamulka putland

muuse biixi oo colaada laascaanood ka hor lagu heeystay mudo kordhin uu sameeystay ayaa dagaalka gobolka sool waxa uu ka dhigtay meel uu isaga jeediyo indhihii ku fooraray ee siyaasiinta mucaaradka iyo tan shacabka somaliland isaga ka faa,iiday in uu ku mideeyo dadkiisa iyo in aan laga la hadlin wax aan aheyn Somalilandta kala go,i rabta

5 bilood ka dib Iska hor-imaadka Laascaanood waxay bixisay Aragti aan aheyn kii uu ku biloowday

Ka dib kala jiid jiidashada putland iyo somaliland ooy Mudo dheer marti u ahaayeen deegaanada SSC dad badan waxay maleeynayeen in isku duubnida dhaqan iyo siyaasad ee dadka gobolka sool oo lagu kabay iska diidida kala gooynta soomaaliya in dadka dega deegaanadaasi ay ka dhigi doonto kuwo xaq u yeesha Inay u madax banaanaadaan aayo ka tashigooda laakiin taas badalkeed waxaa muuqda suurtagalnimada in ay sii ahaan karaan Aag ay ku muransan yihiin putland iyo somalialand

5 bilood oo dagaal faraha looga gubtay ,barakac burbur iyo dhibaato bani,aadantinmo ka dib putland waxay xiisada gobolka sool u adeegsatay inay ku lifaaqdo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe ee somalia iyadoo garaadada gobolka uu maamulka siciid dani u isticmaalay ceebeeynta iyo wax ka sheega madaxweyne xasan iyo dowlada dhexe iyadoo marar badan uu ku celceliyay Madaxeeyne Xasan shiikh in la joojiyo xoog u adeegsiga xaalada gobolka Sool

Xaqiiqooyinka wixii dhacay

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hub culus, mana jirin ciidan ku dhex dagaallamay magaalada, waxaana xaafado badan burburiyey madaafiic iyo hoobiyeyaal ku soo dhacaysay.

Odayaal dhaqameed (Garaado) deegaanka ka soo jeeda, markii uu dagaalka qarxayna isku habar wacday, ayaa durba bilaabay inay ku soo uruuraan magaalada si ay u jiheeyaan dhallinyaro hubaysan oo ciidanka Somaliland dagaal la galay.

Guddiga odayaasha dhaqanka oo 33 ka kooban waay ku eedeeyeen Somaliland inay ka dambaysay dilka Hadraawi iyo dad kale oo magaalada ay ku dhex dileen dabley aan la aqoonsan.

Somaliland in muddo ah way ka aamusanayd laakinse waxay markii dambe dhowr goor oo madaxdoodu hadleen ay farta ku fiiqeen in argagaxiso iyo maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin.

Soomaaliya – Somaliland: Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil.

Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.

Puntland waxay u aragtaa in qaab hoose oo qabiil ku salaysan ee aan siyaasadaysnayn ay dawladda federaalka iyo Somaliland u hurinayaan dagaalka.

Ismaandhaafyadaas waxaa cad inay saamayn ku yeelan doonaan, ugu yaraan wakhtiga dhow, dadaalka aadka u jilicsan ee, haddiiba la samayn lahaa lagu sii wadi kari lahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxaa Xiga?

Inta hadda la ogyahay waa in dagaalku socdo, khasaaruhuna sii badanayo, isla markaana aysan jirin dhexdhexaadin rasmi ah oo labada dhinac la dhex dhigay. Xataa ma jirto cid xabbad joojin kala dhex dhigtay.

Waddooyin dhowr ah ayuu dagaalku ku soo afjarmi karaa. “Mid waa in dalalka jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya oo labada dhinacba xuduud la leh ay soo farageliso. Waa dal cilaaqaad wanaagsan uu kala dhaxeeyo labada dhinac, kuna haboon inay labada dhinac kala dhex gasho” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame oo ka mid ah dadka indha indheeya arrimaha gobolka.

Qodob kale oo isna uu arko inuu door weyn ka qaadan karo sidii xiisadda loo soo afjari lahaa ayuu Faysal aaminsan yahay inuu yahay in “Qaramada midoobay, beesha caalamka iyo dalalka waaweyn sida Maraykanka ay labada dhinac ku khasbaan joojinta dagaalka, ciddii u hogaansami weydana ay talaabo adag ka qaadaan sida in cuna qabatayn lagu soo rogo”.

Hase yeeshee madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xuska gooni isu taagga Somaliland wuxuu sheegay in ay iyagu hayaan xalka nabadda gobolka Sool, oo aysan cidna uga haybaysan doonin in ay u tilmaanto waxa uu xalku yahay.

Dadka wax indha indheeya waxay aaminsan yihiin in culays badan lagala kulmi karo sidii xal loo gaari lahaa.

Culayska hadda jira ayaa ka soo muuqanaya odayaal dhaqameed Muqdisho ka amba-baxay oo iskood isku xil qaamay si ay waanwaan u dhex dhigaan labada dhinac, laakinse aan wax natiijo ah weli ka gaarin. Sidaasoo ay tahayna, waxay ka gaabsanayaan inay tilmaamaan culayska haysta.

Waxaa isna sii kordhaya welwel laga qabo sida loo dhayi doono nabarrada fog ee ka dhashay dagaalkaas hadda 5 bilood jirsaday.

Leave a Reply