20″ May”2023″
Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Laascaanood oo 5 bilood ka dib Iska hor-imaadka ka jira uu yeeshay Aragti aan aheyn kii uu ku biloowday
5 bilood oo dagaal faraha looga gubtay ,barakac burbur iyo dhibaato bani,aadantinmo ka dib putland waxay xiisada gobolka sool u adeegsatay inay ku lifaaqdo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe ee somalia iyadoo garaadada gobolka uu maamulka siciid dani u isticmaalay ceebeeynta iyo wax ka sheega madaxweyne xasan iyo dowlada dhexe iyadoo marar badan uu ku celceliyay Madaxeeyne Xasan shiikh in la joojiyo xoog u adeegsiga xaalada gobolka Sool
Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Soo loo bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaallo culus.

Wasiir Jaamac Xasan ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Guddiga 33-da xubnood ee SSC, isla markaana ka xog wareystay xaaladihii ugu danbeeyay ee dagaallada ka socda Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka SSC iyo ciidanka maamulka Somaliland.
Booqashada wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, xilli ay mar kale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee Lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.