2″ May”2023″
犀利士Dowlada Soomaaliya ayaa garaadada dhaqanka laascaanood warqad casuumaad ah, u dirtay iyadoo laga dalbanayo iney yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay kulamo ula qaataan madaxda sare ee dalka sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Wasiirka isgaarsiinta dowladda federalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa gudbiyay warqada casuumaada kadib kulan gaar ah uu xarunta gobolka Sool kula yeeshay hoggaanka Isimada dhaqanka ee SSC.
Odayaashan oo hormuud u ah dagaalka ka dhanka ah Somaliland, ayaa laga sugayaa jawaab celinta casuumaadan, wararka qaar waxa ay tilmaamayaan in Isimada ay wasiirka si cad ugu sheegeen in Isimada aysan wada bixi Karin oo ay Muqdisho u dirsadaan laba kamid ah Odayaasha, balse wasiirka ayaa arrintaasi u cuntami weysay.
Lama oga sida Isimada ay arrintan uga falcelin doonaan, waxaana jira warar sheegaya in Odayaasha ay ka biyo diidsan yihiin iney meel aad uga fog Laascaanood ay tagaan, maadaama dagaal uu kaga furan yahay gobolka Sool.
Si kastaba, Wasiirka isgaarsiinta mar uu shalay kormeerayay goobaha ay saamayeen madaafiicda lagu garaacay Laascaanood, ayaa Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan sida uu sheegay xasuuqa ay ku hayaan shacabka Laascaanood, isagoo sheegay dhibaatada ay geysteen inay meel kaste kusoo arkeen.
5 bilood oo dagaal faraha looga gubtay ,barakac burbur iyo dhibaato bani,aadantinmo ka dib putland waxay xiisada gobolka sool u adeegsatay inay ku lifaaqdo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe ee somalia iyadoo garaadada gobolka uu maamulka siciid dani u isticmaalay ceebeeynta iyo wax ka sheega madaxweyne xasan iyo dowlada dhexe iyadoo marar badan uu ku celceliyay Madaxeeyne Xasan shiikh in la joojiyo xoog u adeegsiga xaalada gobolka sool