Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa lagu arkay muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab

21″ May” 2023

Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe

Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shir ay dhawaan kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh

Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa waxa uu ka hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya, kaasi oo uu sheegay in kooxdiisa ay ka gaartay guul wax ku ool ah, sida uu sheegay.

“Dagaalkii u dambeeyay ee soo qaadeen ay aheyd in ay adeegsadaan maleeshiyaad Macawisley la magac baxay oo tabartu biday inay miciin bidaan, iyagana aad hadda moodo inay fashilmeen oo meesha ka baxeen,” ayuu yiri Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Abu Cubeyda ayaa waxa kale oo wareysigaan kooban ee uu siiyay warbaahinta kooxda, ku sheegay in dowladda federaalka iyo xulafadeeda qeybta ka ah gulufka dagaal ay ka quusteen in guul ka gaaran dagaalka Shabaab, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Shirweynaha Al-Shabaab oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka qeyb-galay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Waxaa soo gabagaboobay shirweyne wadatashi ah oo Al-shabaab ay uga arrinsaneysay dagaalka ay ka wado Bariga Africa, kaasoo ay ka qeybaleen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira hogaanka guud ee Xarakada Al-Shabaab oo uu ugu horreeyo hogaamiyaha kooxdaas Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda.

Shirkan oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa ugu dambeyn waxaa laga soo saaray war murtiyeed looga hadlay dardar gelinta dagaalka ay kooxdaas ka wado geeska Afrika, iyadoo bilihii u dambeeyey uu kooxda soo fuulay culeys dhaqaale iyo mid milateri ka dib markii laga saaray degaano badan oo ku yaalla bartatamaha Soomaaliya gaar ahaan Sh/dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.