21- May-2023- Muqdisho
Qoraalka ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen raashin fara badan oo dhacay, kuwaasoo lagu iibinayay goob ganacsi oo ku taala gudaha suuqaasi.
“Maanta 21/May/2023, ayaa Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banadir, gaar ahaan Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa gacanta ku dhigay baqaar suuqa Bakaaraha ah oo lagu keydinayay raashin dhacay oo dadka laga iibinayay” ayaa lagu yiri warka booliska.
Booliska gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale tilmaamay in sidoo gacanta ay kusoo dhigeen dadkii raashinkaasi dhacay dadka gadayay, waxeyna boolisku shaacieen iney cadaalada horgeyn doonaan si tilaabo dhinaca sharciga ah looga qaado.
“ Eedeysanayaal ku eedeysan in ay alaabta dadka ka gadayeen ayaa gacanta lagu dhigay, waxey wajihidoonaan Maxkamada Awooda u leh si ay cadaalada u maraan” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka booliska.