22″ May”2023″ Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo barqanimadii maanta degmada Deyniile lagula eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Boolis Milatari ee lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaasoo loo xilsaaray amniga caasimadda.
Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhineceeda lagaliyay ayaa la dhigay laami dheer ee degmadaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Ifis, jugta qaraxa oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada ayaa dhaliyay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dad goobjoogayaal壯陽藥 ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxan ay ku naf waayeen shan askari, sidoo kalena ay jiraan ciidan kale oo dhaawacyo daran uu kazoo gaaray weerarka, waxaana loola cararay xarumaha caafimaadka.
Ciidamo boolis ah oo weerarka kadib gurmad ahaan halkaasi u tagay ayaa sameeyay howlgalo mudo kooban socday, lama soo sheegin cid ay u soo qabteen falkan
Si kastaba, qaraxan ayaa noqonaya midkii labaad ee ciidamadan lagula eegto caasimada, qaraxan kii kahoreeyay oo ka dhacay degmada Kaxda waxaa lagu dilay lix askari, halka kudhowaad 5 kalena ay ku dhaawacmeen.