Sinan Ogan ayaa ku taageeray Erdogan doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada Turkiga

22- May-2023

Sinan Ogan ayaa ku taageeray Erdogan doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada Turkiga

Sinan Ogan, oo ku soo baxay kaalinta saddexaad ee doorashadii madaxtinimo ee Turkiga ka dhacday todobaadkii hore, ayaa u hiiliyay madaxweynaha talada haya, Recep Tayyip Erdogan, doorashada ku celiska ah ee dhici doonta 28-ka May.

Ogan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Ankara Isniintii ku taageeray Erdogan wuxuuna sheegay in ololihiisa uu ka dhigay kuwa waddaniyiinta ah “ciyaartoy muhiim ah” siyaasadda Turkiga.

Waxaan aaminsanahay in go’aankayagu uu noqon doono go’aan sax ah oo dalkeenna iyo qarankeenna u ah,” ayuu yiri Ogan, isagoo sabab uga dhigay go’aankiisa aqlabiyadda baarlamaanka Erdogan.

“Waa muhiim in madaxweynaha cusub ee la doortay uu la mid yahay [hoggaanka] baarlamaanka. Isbaheysiga [Kilicdaroglu] dhanka kale, ma soo bandhigi karin guulo waafi ah oo ka dhan ah Isbaheysiga Dadka oo xukunka hayay 20 sano, mana aysan dhisi karin aragti naga dhaadhicin karta mus壯陽藥 taqbalka.”

Go’aanka lagu taageeray Erdogan wuxuu ku salaysan yahay mabda’a “halgan aan joogsi lahayn [ka soo horjeeda] argagixisada”, ayuu raaciyay.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Turkiga ay Axadda dib ugu soo laabanayaan goobaha codbixinta si ay go’aan uga gaadhaan in Erdogan ama hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu uu dalka hoggaamin doono shanta sano ee soo socota.

Wareegii koowaad ee codbixinta ee 14-kii May, Erdogan wuxuu helay 49.52 boqolkiiba codadka, taasoo wax yar ka yar boqolkiiba 50-ka codadka loo baahan yahay si loo helo guul toos ah.