Agaasimaha NISA Mahad Salaad Oo La Kulmay Madaxda CIA Iyo FBI-Da Mareykanka


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

23″ May”2023

Agaasimaha Nabadsugida iyo sirdoonka somalia ee NISA Mahad Salaad oo ku sugan dalka Mareykanka, kulamo iskaashi iyo wadashaqeyn la xiriira waxa uu la yeeshay masuuliyiinta FBI iyo CIA ee dalka maraykanka oo soomaaliya ka gacansiiya dagaalka ka dhanka ah argagixisada shabaab

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray iskaashiga dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisadda labadda waddan, wuxuuna warbixin kasiiyay xaalada amni ee dalka iyo dagaalka dowladda ee ku wajahan Shabaab

CIA-da Mareykanka ayaa hore uga caga jiidday in uu Mareykanka booqdo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo intii uu xafiiska joogay marar badan isku dayay inuu casuumad ka helo hay’addaas Sirdoon ee dunida ugu weyn.

Mareykanku, si kastoo uu Soomaaliya ula shaqeeyo, haddana niyadsamida ay iskaashi kula sameeyaan hoggaanka NISA mar kasta waxay ku xiraan baaris iyo raad raac dhanka xiriirka argagaxisada ah, taas oo haddii ay ku qancaan sahasha inay hoggaanka isla gaaraan heer wada-shaqayn oo gaarsiisan inay ku martiqaadaan xarumaha hay’adaha amniga ee dalkaas.

Si kastaba, socdaalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ciidamadda Mareykanka ay duqeyn diyaaradeed dhanka cirka ah ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe Isniintii shalay.