24″ May”2023″ Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiye犀利士 y Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)