Dowladda Soomaaliya oo ka qayb-galaysa Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

24″ May”2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka looga arinsanayo arrimaha caafimaadka aduunka.

Halku dhigga Sanadka ayaa ah “Badbaadinta Nolosha” iyo sii wadida horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan,” Madaxda iyo wufuuddii kasoo iyo  qeybgashey kulanka ayaa lafaguray go’aanada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah, oo ay kamidyihiin  soo jeedinta Miisaaniyada Barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030), Qorshaha  Yoolka  Caafimaadka loo dhanyahay ee Caalamiga ah (UHC), Habraacyada  jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka,  iyo guud ahaan u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.