Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku wargeliyay wadayaasha Mootooyinka Tagaasida ee Magaalada Muqdisho

24″ May”2023″ Muqdisho”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray ku wargeliyay wadayaasha Mootooyinka Tagaasida ee Magaalada Muqdisho in la soo gaba gabeeyay shaqada midabaynta iyo diiwaangelinta Mooto bajaajta Gobolka Banaadir oo laka la siiyayay caalamadaha A & B .

Maamulka gobolka banaadir waxa uu sheegay in laga bilaabo bari uu dhaqangalayo howsha kala xadeeynta isbarbar yaaca mootooyinka ka shaqeeya magaalada muqdisho oo laga siiyayay calaamadaha A & B

Kala xadeeynta mooto-bajaajta sida taksiga uga dhaxshaqeeya Magaalada Muqdisho ee midabeynta ,diiwaangalinta iyo calaamad siinta A & B oo ah talaabo dhqangalinteeda uu ku dhawaaqay maamulka gobolka banaadir inay bilaabaneeyso barito, waxay qeyb ka noqon kartaa yareynta saxmada magaalada iyo la socodka amniga gobolka banaadir in la koontarooli karo .

Leave a Reply