25″ May”2023″ Muqdisho
Warbaahinta dowladda Somalia ayaa soo bandhigtay sawirada hubkii ugu badnaa ee Argagixisada shabaab ay qorsheeyneeysay inay ku dhibaateeyso dadweynaha ku nool caasimada somalia ee muqdisho. Dheeho.com
Laamaha Amaanka Somalia ayaa soo bandhigay Hubkaas ooy Argagixsada Shabaab ku qarineeysay guri ku yaal Magaalada Muqdisho
Qabashada hubkan ooy Ciidamada dowladda caawa gacanta kusoo dhigeen ayaa ka dhacday degmada hodon ee magaalada muqdisho iyadoo inta howlgalku socday sidoo kale la qabtay laba eedeysane oo la tuhunsan yahay inay la shaqeeyaan khawaarijta shabaab
Isla maanta galinkii dambe ayay aheyd markii ay ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay gacanta kusoo dhigeen hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.
Howl-galkaas oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubno Shabaab ah oo kamid yahay darawalka waday gaariga hubka lagu qabtay.
Hubkan oo lagu qarinayay gurri ku yaalla xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ku jira noocyo kamid ah dharka ciidanka, hub kale oo ay ku jiraan qaraxyo iyo rasaas badan.
Ciidamada ayaa kasoo saaray hubkaan iyo agabka kale ee lagu qariyay gurigaasi, waxayna warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada hubkaan la qabtay.
Waxaa illaa iyo hadda ciidamada fuliyay howl-galkaan ay gacanta kusoo dhigeen laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.
Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad kale oo lagu daba joogo, kuwaasi oo baxsad ah, sida ay saraakiisha ciida犀利士 mada ammaanka u sheegeen warbaahinta dowladda.
Isla maanta galinkii dambe ayay aheyd markii ay ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay gacanta kusoo dhigeen hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.
Howl-galkaas oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubno Shabaab ah oo kamid yahay darawalka waday gaariga hubka lagu qabtay.
Walxahan ayay kooxda Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed, waxayna iskugu jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo waaweyn iyo rasaas aad u tira badan.