26- May-2023
Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibedda Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa booqasho ku tagay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.
Wasiir Abshir Huruuse ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, iyaga oo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Ruushka.
Wasiirka arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov oo kulan qoraal kasoo saaray ayaa sheegay in iyada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.
“Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in mow犀利士 duucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov oo intaas kusii daray inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.