26- May-2023
Maanta, Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa ku dhawaaqday in Mareykanka uu bixinayo ku dhawaad 524 milyan oo doolar oo gargaar bini’aadanimo oo halis ah oo loogu talagalay qalalaasaha Geeska Afrika,
“Dhacdada Ballanqaadka Heerka Sare ee lagu taageerayo Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Geeska Afrika .” Tan waxaa ku jira $416 milyan oo ay bixiso USAID-da iyo ku dhawaad $108 milyan oo ay bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Saamaynta abaarta hadda jirta – oo ah tii ugu ba’nayd ee Geeska Afrika taariikhda la diwaangaliyo – waxay sii socotaa in 23 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya ay wajahaan gaajo daran.
Maalgelinta dheeriga ah ee maanta lagu dhawaaqay ayaa u sahlaysa la-hawlgalayaasha USAID inay bixiyaan cunto degdeg ah, nafaqeyn, biyo, nadaafad iyo gargaar nadaafadeed, iyo garga壯陽藥 ar kale oo muhiim ah oo loogu talagalay dadka aadka u nugul ee ku nool guud ahaan gobolka. Wax ku biirintan u dambaysay waxay timi iyada oo qoysasku ay la tacaalayaan saamaynta is biirsaday ee shan xilli roobaadkii oo guuldarraystay muddada labada sano ka badan.
Waxaan ka walaacsanahay in baahida bini’aadantinimo ee aad u saraysa ay sii jiri doonto Geeska oo dhan, marka loo eego xaaladaha taagan iyo taageerada dhaqaale ee deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah oo aan u dhigmin baaxadda dhibaatada. Xitaa haddii xilli-roobaadka ay caadi kusoo noqdaan gobolka 2023, ka soo kabashada abaarta baaxadda leh ayaa qaadan doonta sanado, iyadoo deeq-bixiyeyaasha loo baahan yahay maalgelin la taaban karo si dib loogu dhiso hab-nololeedyada iyo adkeysiga bulshada.
Maraykanku waxa uu si degdeg ah uga hawlgalay sidii uu wax uga qaban lahaa abaarta ka jirta gobolka isaga oo isku dayaya in uu ka hortago macluusha, waxana uu weli yahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee hal waddan ku bixiya gargaarka bini’aadantinimo ee Geeska Afrika, isaga oo bixiyay in ka badan $1.4 bilyan guud ahaan gobolka tan iyo markii bilowga Sannad-maaliyadeedka 2023.
Laakiin, maalgelin dheeraad ah ayaa si ba’an loogu baahan yahay. Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa dhammaan deeq-bixiyeyaasha – kuwa soo jireenka ah iyo kuwa soo korayaba – inay nagu soo biiraan si aan kor ugu qaadno gargaarka bini’aadantinimo si loo gaarsiiyo gargaarka aadka loogu baahan yahay laguna badbaadiyo malaayiin nafood, iyo in la sameeyo maalgashi muddo dheer ah oo hagaajin doona awoodda bulshooyinka si ay si wanaagsan ugu adkaystaan cimilada mustaqbalka. naxdin.