26- May-2023- Hargeysa
Odoyaasha dhaqanka beelaha koonfureed ee dhaxdhaxaadinta colaada laascaanood ayaa qarka u saraan Inay natiijo la,aan ka soo tagaan Magaalada Hargeysa ooy mudo bil ah ku sugnaayeen, iyadoo la is-weeydiinayo maxaa uga hirgalay qorshohoodii nabadeynta oo xitaa dhalin waayay xabad-joojin labada dhinaca ka dhaqan gala
Odoyaaashan ayaa sida muuqata si rasmi ah aan u wali bilaabin howlihii ay u tageen hargeysa kadib mudo markii ay joogeen magaalada garoowe islamarkaana ay booqdeen magaalada colaadu ay ka socoto ee Laascaanood ,inkastoo jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ay guddi u saartay arrimahooda.y
Wafdigu waxa ay Hargeysa gaareen 25-kii bishii April, intii ay ku sugnaayeen waxa ay kulan la qaateen golaha wasiirrada iyo madax dhaqameedka Somaliland.
Waxa la sheegaa in ay weli ku jiraan dadaalada ay doonayaan in ku xalliyaan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood balse aysan weli wax badan u qabsoomin.
Qorshaha ugu horreeya ee ay doonayeen Ergada Muqdisho ee Hargeysa ku sugan ayaa ahaa in xabbad joojin ay ku dhawaaqaan labada dhinac ,Taas oo u muuqata inay ku adkaatay odoyaashu inay si rasmi ah uga dhaqan geliyaan labada dhinac ku dagaalamaya Laascaanood