Uganda ayaa wafdi military u dirtay Somalia si ay u qiimeeyaan khasaaraha weerarkii shabaab ee deegaanka Buulo mareer

27″ May”2023″

Dowladda Uganda ayaa wafdi saraakiilnmilatari ah u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qiimeyn doona khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-shabaab ay shalay ku qaadeen degmada Buula-mareer ee gobolka Sh.Hoose.

Warbaahinta gudaha ee dalkaasi ayaa tabineysa in taliyaha Ciidanka Dhulka ee dalka Uganda (UPDF), Lt. Gen. Kayanja Muhanga uu kusoo wajahan yahay Soomaaliya, si uu baari壯陽藥 taano ugu sameeyo qaabka uu u dhacay weerarkaasi iyo khasaaraha guud ee ka dhashay

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Alshabaab ayaa gacanta ku dhigtay maxaabiis katirsan ciidanka Uganda. Waxay kaloo gubeen gaari Taangi ah iyo gaadiid kale oo dagaal.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka