27- May-2023″ Muqdisho
Ilaa 34,000, oo Arday wax ka barata Dugsiyo Ku kala yaal Koonfurta & Bartamaha Somalia ayaa maanta u fariistay Imtixiaanaadka guud ee dugsiyada sare ee dalka
Waxaa saaka si rasmi ah u bilowday Imtixanka shahaadiga ee dugsiga sare, kaasoo ay u fariisteen ardey gaareysa 34,000, ardeydan waxa ay wax ka barteen Iskoolo ku kala yaala ku kala yaalla koonfurta iyo Bartamaha dalka
Sida wasaarada waxbarashada ee xukuumada Soomaaliya ay shaacisay, 114 xarumood oo ku kala yaala gobolada dalka ayaa lagu galaya imtixaankan oo ay soo diyaarisay wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka.
62 xarumood oo kamid ah goobaha imtixaanka lagu galayo waxa ay ku yaalaan magaalada Muqdisho, halka 52 xarunna ay ku kala yaalaan maamulada; Jubaland, Galmudug Hirshabelle iyo koofur galbeed.
Waa imtixaankii labaad uu la kowsado wasiirka wasaarada waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir, kaasoo isbedel firfircoon ku wado waxbarashada guud ee dalka, isagoo juhdigiisa ugu badan galinaya sidii ardeyda Soomaaliyeed loo tayeyn lahaa aqoontooda.
Sanadkan imtixaanka waxa uu kusoo beegmay xili ay qeyla dhaan xooggan kazoo yeereyso qaar kamid ah ardey la sheegay inuu nidaamkoodii diiwaan gelinta wax ka khaldamay oo sidaasi imtixaanka looga reebay, waxaana wasaarada mas’uuliyada arrintaasi犀利士 ay ku eedeysay maamulada iskooladii ay ardeyda kazoo aflaxeen.