15- August-2023
94 maalmood ah kadib waxaa xorriyadeeda dib u heshay saxafiyadda Bushaaro Cali Baandey kadib markii iibsatay xukun hal sano ooy ku riday maxkamad” Warbixin-👉Dheeho.com
Bushaaro ayaa bilihii la soo dhaafay ku xirneyd magaalada Hargeysa iyadoo loo heysto danbi ah inay faafisay Wararka uu ka carooday maamulka Somaliland .
Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.
Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneed.