27- May-2023
Madaxweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii shalay lagu weeraray ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, oo xaruntoodu tahay Buulo Mareer.
Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladda Uganda iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.
Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.
Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa ‘hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.
Sanad kahor ayay ahayd markii Alshabaab ay wareerareen mid kamid ah saldhigyada ciidanka ATMIS, saddexdii bishii may ee sanadkii 2022, Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhiggii ciidanka Burundi ee degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe