Erling Haaland: Weeraryahanka Man City waxa uu ku guuleystey abaal marinta ciyaartoyga iyo da’yarta Premier League

27- May-2023- BBC

Manchester City Erling Haaland ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee ku guulaysta abaal marinta ciyaartoyga iyo da’yarka ugu fiican Premier Leaque isla xili ciyaareedkan.

22 jirkan ayaa dhaliyay 36 gool taas oo keentay in uu jabiyo rikoorka gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Haaland, oo helay codadka ugu badan ee dadweynaha iyo kooxaha Premier League ah, ayaa City kaga soo biiray Borussia Dortmund xagaagii hore, waxana uu kooxda ka caawiyay inay ku guulaysato koobkii saddexaad oo xiriir ah oo heerka sare ah.

Waxa mar hore loo magacaabay ciyaartoyga sanadka ee ragga ee Ururka Qorayaasha Kubadda Cagta (FWA).

“Waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Premier League oo cajiib ah, waxaana koobkii ku qaaday isbuucii hore taageerayaasheenna hortooda garoonka Etihad waxa ay ii ahayd waqti qaas ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay ciyaaryahanka reer Norway.

City ayaa sidoo kale ku jirta tartanka Trible iyagoo 3-da June ku wajihi doona Manchester United finalka FA Cup ka hor inta aysan la ciyaarin Inter Milan finalka Champions League 10ka June.

“Abaalmarintan ma suurta gasheen la’aanteed saaxiibadeyda cajiibka ah, maamulaha iyo dhammaan shaqaalaha kooxda oo iga caawiya in aan ku soo bandhigo garoonka,” ayuu yiri Haaland.

“Haatan waxaan haysanaa labo final oo kale, waxaana dooneynaa inaan xilli ciyaareedka ku dhameysano si xoogan.”

Leave a Reply