MW Xasan Sheekh oo faah faahiyey Go’aamadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

28″ May-2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa si wada jir ah u qabtay Warsaxaafadeed ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyeen qodobadii ka soo baxay warbixintii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in  muhiim tahay in laga gudbo doorashooyinkii dalka dhaci jiray,islamarakana shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si loog gudbo caqabadaha dalka muddada dheer uu ku soo jiray

Madaxwenaha ayaa tilmaamay in muddada sanadka ah ee dowladda ay jirtay lagu guuleeystay horumar dhinacyo badan taabanayo oo ay kamid tahay xoreynta degaanno badan oo argagixisada laga saaray,arrimaha Deyn cafinta dalka oo u sheegay in heer gaba-gaba ah ay mareyso,sidoo kalana dalka uu heli doonno fursado maalgashi iyo in dowladda ay qaadan karto lacago deyn ah oo qeyb wey ka qaadan doono dib u dhiska iyo kaabayasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada dowladda ee ah in dadka Soomaaliyeed ee ayahooda ka tashtaan oo cida ay rabaan si doorasho qof iyo cod ah ay ku doortaan,dowladuna ay arintaa fududayn  doonto,sidoo kale waxa uu ka hadalay Madaxweynaha xoreynta degaannada dhiman, iyo qorshaha dowladda oo uu sheegay in loo baahan yahay nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan laga hirgaliyo degaanadaasi,si bulshada ay u hesho adeega dowladnimo ee ay u baahanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha gar-gaar ee xiliyada abaaraha iyo fatahaadaha ee bulshda ay sameeynta ku yeshaan,waxa u sheegay in loo baahan yahay in dalkeenno uu ka guuro caawinaad wadamada shisheeye oo ay dadka soomaaliyeed isku filnaadaan ,Soomaaliya dadkeeda sababa ay u baahnaadaan ma jirto ayuu madaxwey壯陽藥 nu yiri