28- May-2023- Muqdisho
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Somalia ee NISA ayaa shaacisay in uu dowladda isku soo dhiibay xubin sare oo ka tirsan Kooxda Al- Shabaab
Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in uu gacanta ciidamada dowlada soo galay la taliyihii Axmed Candi godone oo ahaa hogaamiyihii la qaarajiyay ee Alshabaab
Horjoogahan sare oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed ayaa sidoo kale waxaa kooxda Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaana Abuu-Saacid.
Ninkan ayaa ah xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, sida ay shaacisay NISA.
Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid ugu danbeyntii waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.