30″ May”2023
Taliska ciidanka ATMIS ayaa sheegay iney ka aarguteen xubnihii Shabaab ee Jimcihii weerarka culus ku galay saldhigoodii magaalada Buula-mareer, halkaasoo lagu dilay askar u dhalatay wadanka Uganda.
War qoraal ah oo kasoo baxay ATMIS ayey ku sheegeen iney ka daba tageen ciidankaasi Shabaabka ah oo ay soo laayeen, sidoo kale waxey sheegeen iney dib usoo ceshteen hub culus oo Shabaabku ay kasoo qaateen xeradan oo qiyaastii 120KM u jirta magaalada Muqdisho.
“Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah. Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer” ayaa lagu yiri warka ATMIS.
Howlgalka kumeel gaarka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo taageerada dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“ATMIS waxa weli ka go’an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya” ayaa lagu sii daray warka ATMIS.