壯陽藥 color has-large-font-size”>30- May-2023 -Reuters
Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, deegaanka masagawaay sida uu sheegay goobjooge
Dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmadaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan 27 qof, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.
Weerarkii Jimcihii ayaa ka dhacay Masagawa, oo qiyaastii 300km (190 mayl) waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho
“Waxaan arkay 17 qof oo dhintay oo ay ku jiraan kuwii weerarka soo qaaday iyo kuwa la weeraray. Dagaalku waxa uu galay kaynta. Magaaladu hadda waa xasiloon tahay, waxaana gacanta ku haya dowladda,” Xuseen Nuur oo ka mid ah dadka deegaanka Masagawa ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Kabtan C/llaahi Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Milateriga ee ku sugan Masagawaa, ayaa xaqiijiyay weerarka, waxaana uu sheegay in 12 ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen, balse ma uusan ogeyn khasaaraha dhankooda soo gaaray.
“Dagaal xooggan ayaa muddo saacado ah ka socday cirifka magaalada. Ilaa hadda, waan ogahay in nalaga dhintay askar balse ma hayo tiro sax ah. Al-Shabaab waan iska caabinay, haatana waxaan ku daba jirnaa keymaha,” ayuu Maxamed u sheegay Reuters.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa bartooda Twitter-ka ku sheegay in ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday magaalada lafteeda, islamarkaana ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, balse ma sheegin tiradooda.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buula-mareer oo 130km dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Tan iyo 2006, jabhaddu waxay isku dayaysay inay dumiso dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo ay dhisto xukun ku salaysan tafsiirkeeda adag ee shareecada Islaamka.
Dib u dhac ku yimid dowladda sanadkii hore ayaa kooxda dhabarka u ritay, balse Al-Shabaab ayaa weeraro xooggan ku qaaday hoteellada, xarumaha ciidamada iyo xarumaha dowladda.

Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 73 askari ay ku dishay weerarkaas oo ay ku beegsatay askar ka soo laabatay tababar ay ku qaadanayeen dalka Eritrea